Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka bilowday Brussels

Date:

Muqdisho (SNTV) Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxa uu ka bilaawday magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirka oo ay ka qeyb gelayaan qaar kamid ah madax dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlayaa ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo kamid ah masuuliyiinta madasha shirka kusugan ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlayo guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saari doono dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheye ayaa la kulmay madaxweyne kuxigeenka Midawga Yurub, Federica Mogherini, oo ay ka wada hadleen xaaladda amni ee dalka iyo sidii Midawga Yurub ay gacan uga geysan lahaayeen qaabka Ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka ugala wareegi lahaayeen Ciidanka AMISOM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund –...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee...