wasiirka Ganacsi oo ka qeyb gali doono shirka ganacsiga Turkiga iyo Soomaaliya

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u ambabaxay Dalka Turkiga halkaas uu kaga qeyb gali doono Shir u dhaxeeya Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Wasiirada Ganacsiga Dowlad Gobaleedyada dalka iyo Xubno ka socda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa qeyb ka ah Wafdiga Wasiirka.

Shirkan oo looga hadli doono sidii loo maalgalin lahaa Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wax soosaarka dalka Soomaaliya waxaa shir guddoomin doona Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulanka ka jeedin doona Khudbad uu kaga hadli fursadaha maalgashi ee Soomaaliya kaga banaan Ganacsatada iyo sida Ganacsatada Turkiga u maalgashan karaan Soomaaliya si waxsoosarka dalka kor loogu qaado.

Previous article
Next article

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...