Kulankii Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha oo Baaq Caawimaad deg deg ah laga soo saaray

Date:

Muqdisho(SNTV):—-Guddiga Qaran ee gurmadka Fatahaadaha oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasararaha xukuumada federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa Maanta yeeshay Kulankii ugu horeeyay oo uu shir gudoominayay Kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (khaddar).

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ah gudoomiyaha guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa uu kulanka kadib saxaafadda kula hadlay Hoteelka SYL oo kulanku uu ka dhacay, waxa uuna sheegay in guddigu sameestay afar guddi hoosaad oo kala ah Guddi Hoosaadka Wacy-gelinta Bulshada iyo Deeq raadinta, Guddi Hoosaadka Maareynta Deeqaha iyo Xog-uruurinta, Guddi Hoosaadka Maaliyadda iyo Dabagalka iyo Guddi Hoosaadka Saadka, isaga oo dhanka kale baaq u diray dhamaan qeybaha ay ka koobantahay Bulshada Soomaaliyeed.

“Akoonno ayaan sameynay lagu soo ridayo wixii deeqa ah oo la bixinayo. Waxa aan qeyla dhaan u direynaa Shacab weynaha Soomaaliyeed guda iyo dibadba, hadii ay dhaqaalo bixinyaan, hadii ay raashin bixinayaan iyo hadii ay dhar bixinayaanba. Dowladdu si xoog leh ayey uga qeyb qaadan doontaa gurmadka. Qof waliba wixii uu bixin karo ayuu bixinayaa. Shaqaalaha dowladda, golaha wasiirada golaha shacabka, bulsha weynta Soomaaliyeed, ganacsatada iyo Qurbajoojta waa in aan si wada jir ah aan uga qeyb qaadanaa Gurmadka si aan u badbaadinno walaalaheen.”, ayuu yiri kusimaha Ra’iisul wasaaraha.

Gudoomiyaya guddiga wacyi gelinta Bulshada iyo Raadinta deeqaha, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa waxa uu ku baaqay in cid kasta oo wax heysata ay gurmadka si hagar la’aan ah uga qeyb qaatato si walaalaha dhibaateysan loo samata bixiyo.

“Waxaa la joogaa xilligii la isu gurman lahaa. Dhib weyn oo dad badan saameysay oo geeri keenay ayaa dhacay. Waxa aan ugu baaqayaa shcab weynaha Soomaaliyeed in ay usoo gurmadaan walaalahooda fatahaadu heshay oo maanta banaanka dhooban oo hoy la’aanta ah, cunnna la’aanta iyo biya la’aanta ah, oo xitaa uu caafimaadkoodu Qatar ku jiro”, ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa waxa ay soo bandhigeen Akoonno ay ka sameeyeen Bankiyada iyo Number EVC kuwaas oo Deeq-bixiyayaashu ay ku shubi doonaan lacagaha ay Sadaqeysanayaan si walaalahood loogu badbaadiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo fariin culus ka jeedisay Shirka Shaqaalaha Adduunka ee Geneva

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yuusuf Maxamed...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka...