Maxamed Mursal Sheekh oo ku guuleystay doorashada Gudoonka Golaha Shacabka

Date:

Waxaa lasoo gaba gabeeyay Tirinta Codadka Wareega Sadexaad ee Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay isugu soo hareen Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow iyo Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan.

Guddoomiyaha ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdi weli Muudeey ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoo sheegay in Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan uu ku guuleystay Guddooomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu helay codadka ugu badan oo gaaraya 147 halka Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow uu helay 118 cod.

“Waxaa codeeyay 265 Mudane, Xildhibaan Ibraahim Isaaq wuxuu helay 118, Xildhibaan Maxamed Mursal wuxuu helay 147, waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan”.ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa maanta ku...

Wasiirka Deegaanka oo kormeer ku tagay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Galmudug

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Booliiska Gobolka Banaadir oo xiray Askar ‘si sharci darro ah’ hub ugu dhex watay Muqdisho

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 11 askari...