Maalintii labaad ayuu ka socdaa Magaalada Nairobi kulanka looga hadlayo Arrimaha Fataahadaha

Date:

Qodobada maanta xooga la saaray waxaa ka mid ah sidii deg deg wax looga qaban lahaa dadkii saameynta u gaysatay fatahaada Wabiga Shabeelle.

Waxaana ay isku raaceen Madaxda Dowladda Soomaaliya ee Shirka ka qeybgalayo, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Baanka Aduunka in si deg deg ah in gurmad loogu fidayo dadka ka barakacay Magaalooyinka fatahaada uu Wabigu ka  gaystay.

Dhinaca kale waxaa diirada la saaray amba qaadka wajiga labaad ee qorshaha dib u kabashada u adkeysiga Abaaraha iyadoo layla gartay der dergalinta Mashaariicda dib u kabashada,waxaana la noolaynayaa ilaha kala ah Waxsoorka sida kaluumeysiga Beeraha, Xoolaha,Biyaha, Tamarta iyo qodab kale kuwaas oo ku baxayo dhaqaaale fara-badan.

Kulanka ayaa la rajeynayaa in ugu dambeyn laysku raaco qodob la-fulin karo Shanta Sano ee socda si Soomaaliya ay u sameeyso dib u kabasho ballaaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...

War-Saxaafadeed Wadajir ah Shiinaha iyo Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...