Madaxda Wasaaradda Qorsheynta XFS iyo IGAD oo Jabuuti kaga wada hadlay arrimaha Soomaaliya

Date:

Jabuuti(SNTV) Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya iyo wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD oo ku kulmay magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin howlaha horyaala Wasaaradda.

Kulanka oo ahaa Kibraad ku saabsan dhanka qorsheynta Qarank ayaa Wasaaraddu waxay ku soo bandhigtay Qarsheheedi ku adan –dajinta qorshe sanadihii lasoo dhaafay iyo geeddi-socodka himilada Qaran ee 2040.

Madaxdii ka socotay Urur Goboleedka IGAD ayaa iyana dhankoodi soo bandhigay hadafka loo aas aasey ururkaasi oo l ayagleeley 1986dii iyo isbedeladii uu soo maray Ururkaasi.

Waxaa ay sheegeen in dhawaan Soomaaliya ay ka fulin doonaan mashaariic ay kamid yihiin u adkeysiga aafooyinka iyo maraaxisha kale ee adag.

Kadib bogaadin iyo ammaan loo soo jeediyey Wasaaradda Qorshaynta lana xiriidha kartideeda shaqo iyo aragtideeda cad, waxaa laysla qaatay dhowr qodob oo muhiim ah, ayna kamid yihiin:

1: Waxkasta oo IGAD qabanayso ama qaban doonto isla mar ahaantaasna khuseeya Soomaaliya lana xiriira dhanka mashaariicda in lasoo marsiiyo Wasaaradda Qorshaynta.

2: In qaybaha kala duwan ee IGAD toos ugu xirmaan Wasaaradda Qorsjaynta.

3: In deg deg loo qabto kulan layskula eegayo nuxurka qaar kamida Mashaariicda IGAD ka waddo Soomaaliya.

Soomaaliya waxay garwadeen ka ahayd yagleeliddii IGAD, waxayna ahayd dalkii ugu horreeyey ee bixiyey jeeggii 1aad ee ay IGAD hesho (qaaraankii 1aad).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...