Wasiir Beyle” haddaan Gacmaha is qabsano guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa”

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Waxaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Dr: C/raxmaan Ducaale Beyle, kadib markii uu kasoo qayb galay shir looga hadlayay cafinta deymaha iyo taakulaynta Soomaaliya oo ka dhacay Dalka Maraykanka.

Mudane; Beyle oo ay Gegida Diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay guul weyn kasoo gaareen waxa uu ku Magacaabay shirkii Gu’ga ee ka dhacay Dalka maraykanka, halkaasoo uu kula kulmay Madaxda hay’adda Lacagta Aduunka IMF iyo Bangiga Aduunka.

“Soomaaliyeey haddaan Gacmaha is qabsanno guul intaan ka weyn ayaan gaari doonnaa Insha Allaah” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in guusha shirkaas ka soo baxday ay tahay in hadda si rasmi ah Waddamada Caalamka iyo kuwa Deeq bixiyayaashu ay u aamineen Dowladda Soomaaliya, kuna kalsoonaadeen hannaanka hufan ee maamulka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...