Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo la kulmay dhiggiisa Dawladda Kuwait “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA), Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,  ayaa saaka gaaray Dalka Kuwait,  isaggoo ay la socdaan Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaraddaasi.

Wasiirka, ayaa  waxaa madaarka ku soo dhoweeyey dhigiisa dalka Kuwait , waxaana kulan saacado socday ay kula yeesheen  Hotel Sheraton Kuwait.

Wasiir Maareeye oo beryahanba ku mashquulsanaa suuq geynta waxsoosaarka Soomaaliya, ayaa wuxuu hore u sii qaatay waxyaalo fara badan oo uu ku muujinayo wanaagga dhaqanka iyo Waxsoosaarka Soomaaliya sida Moos, Cambe, liin, Isbaandhays iyo Alaab dhaqan oo kale.

Waxyaabahaasi kala duwan ee Waxsoosaarka dalka ka turjumaya , ayaa waxuu Wasiirka  ugu  talo galay in uu Soomaaliya ugu soo jiido maalqabeenada dalalka carabta oo uu doonayo in ay dalka maalgashadaan, si dhalinyarada Soomaaliyeed shaqo u helaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...