Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Qadar ee Soomaaliya “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV), Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qadar u fadhiya Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal, habkii loo abuuri lahaa iskaashi caalami ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Qadar iyo weliba sidii labada wadan uga wada shaqayn lahaayeen dhanka maalgashiga iyo ganacsiga.

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Md Mahdi ayaa Dalka Qadar iyo shacabkiisa uga mahadceliyay taageerada joogtada leh ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Mr Hassan Hamza Asad Hashem, ayaa dhankiisa Ra’iisalwasaare ku xigeenka uga mahadceliyay sida uu Dawladda Qadar u qadariyo, isaga oo ballan qaaday in DOHA sii wadi-doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...