Maamulka Gobalka Banaadir oo abaal marin gudoonsiiyay Maamulka Degmada Hilwaa

Date:

Gaadiidkan oo ah nooca laanguruusalka ayaa maamulka gobolka Benaadir waxaa uu abaal marin ahaan u gudoonsiiyay gudoomiyaha Degmada Hiliwaa kadib horumarka uu maamulka degmada Hiliwaa iyo ciidanka Boliiska ay ka sameeyen dhinaca amniga iyo kor u qaadista wadashaqeeynta laamaha amniga iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Dagamada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle ayaa maamulka Gobolka Benaadir uga mahadceliyay abaalmarintani lagu dhiira galinaayo horumarinta amniga.

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee amniga iyo siyaasada maamulka Gobolka Benaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) waxa uu sheegay in dagma kaste lagu abaal marin doono waxqabadkeeda.

Waa dagmadii Labaad uu maamulka Gobolka Benaadir ku abaalmariyo gaadid ka qeyb qaata sugida amnigga kaas oo lagu dhiira galinaayo horumarinta xasiloonida Caasimada iyo isku xirka laamaha amaanka iyo bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...