Wajigii labaad ee dib u eegista dastuurka dalka oo ka bilaawday Muqdisho

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay bilowday Wajiga labaad ee howlaha dib loogu eegayo qabyo qoraalka Dastuurka, kaasi oo lagu tababarayo macalimiintii gaarsiin lahayd dastuurka bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in uu bilowday Tababar socon doono muddo afar maalin ah kaasi oo ay ka qeyb galayaan Xubno ka socda Wasaaraddaha dowlada, maamulka Gobalka Banaadir, Jaamacada Umadda, Dowlad Gobaleedyada iyo Bulshada Rayidka, waxaana looga hadlayaa sidii Dastuurka loo gaarsiin lahaa degmooyinka iyo Deegaanada dalka.

“Waxaan galeynaa wajigii Labaad oo ah sidii bulshada looga dhaadhicin lahaa loona gaarsiin lahaa degmo iyo deegaanada Soomaaliya oo dhan, waxaa noo bilowday Tababar socon doono muddo afar maalin ah kaasi oo lagu diyaarinayo dadkii bulshada qeybaheeda kal duwan gaarsiin lahaa Dastuurka, tababarkan waxaa ka horeeyay mid aan furnay Todobaadkii hore oo la yiraahdo Tababarka Tababarayaasha, dadka la tababaray ayaa laga doonayaa inay gaarsiiyaan deegaanada aan ugu tala galnay”.

Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa tilmaamay in wajigan Labaad ujeedkiisa uu yahay sidii Bulshada loo bari lahaa Dastuurka iyo wuxuu yahay iyo Kaalinta uu kaga jiro dowladnimada.

“Dadka waxaa la barayaa Dastuur muxuu yahay, Bulshada baahida ay u qabaan, doorka uu kaga jiro Dowladnimada ka dib Warbaahinta ayaa marsiin doono iyadoo su’aalo la iska weydiin doono laakiin hada wacyi galin ayaan diirada saareynaa”.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odaawa Yuusuf...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey...