Wasiirka wasaradda arimaha dibada oo dhigiisa Turki kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Date:

Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawed iyo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Olgan Bekar, ayaa ka wada hadlay habka loo xoojin karo wada shaqaynta Labada Dal.

Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa lagu Lafa guray sidii Dowladda Turkiga ay usii Laba jibbaari lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray kulanka ayaa labada dhinac waxay is dhaafsadeen arrimo dan u ah Labada dal, waxayna sidoo kale isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Labada Waddan iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Walaaltinimo ee wax wada qabsi.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu adkayn doono xiriirka ka dhexeeya Labada dhinac, wuxuna sheegay inuu dhankiisa adkayn doono doorkooda ku aaddan garab istaagga iyo gargaarka ay siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...