Madaxweyne Waare oo baaq u diray dowladda dhexe iyo QM.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Maxammed Cabdi Waare oo la hadlayay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya QM dadka ka soo jeedo Hirshabeelle iyo Soomaalida inteeda kale in ay wax ka qabtaan sidii loo caawin lahaa fatahaadda uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Baladweyne oo xarun u ah gobalka Hiiraan ayaa uu saameyn ballaaran ku yeeshay fataahadda wabiga shabeelle iyadoo sidoo kale uu wabiga  dhinacyada uu jabsaday meela kamid ah xarunta dowlad gobaleedka Hirshabeelle ee jowhar.

Xilliyadan oo kale marka uu roobka ka da’o Soomaaliya ayaa wabiyada dalka ku fatahaan meelaha ay ka maraan goballada dalka, waxaana wabiga Shabeelle uu badi saameyn ku yeeshaa meelaha uu maro gaar ahaan deegnada uu ka maro goballada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane baxsada ka ahaa hey’adaha Cadaaladda

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo kaashanaya Booliska...

Shir looga hadlayay xoojinta amniga xuduudaha oo Lagu qabtay Muqdisho

Shirka xoojinta amniga xuduudaha dalka ayaa maanta lagu qabtay...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo gaaray Dalka Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka...

Taliska Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay inuu xaaskiisa ku dilay toorey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga Garasbaaley ayaa gacanta kusoo...