Taliyaha Booliska oo kormeeray Xarunta Oto-oto

Date:

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko ayaa maanta kormeeray Xaruntii isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la oron jiray OTO OTO oo astaan ay u tahay (888), halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Taliyaha ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay Xaruntaan waxaana warbixin buuxda dayactirka lagu sameeyey xarunta 888 ka siiyey maamulka xaruntaasi.

Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Taliska uu diyaariyey qorsheyaal dib loogu dayactirayo Xarumihii Ciidanka Booliska uu lahaa ee ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay.

Gen Bashiir ayaa xusay in dayactirka kadib dhowaan dib loo furi doono Xaruntii isgaarsiinta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee OTO OTO, waxaana uu xusay in la diyaariyey dhammaan qalabkii kala duwanaa ee xaruntaan ay ku shaqeyn laheyd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...