Masuuliyiinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kulan la qaatay Shirkadaha iska diiwaan galiyay Hay’adda

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ay hoos timaaddo Astaanta Internetka Dalka (dotSO) ayaa kulan wada-tashi ah u qabatay shirkadaha Soomaaliyeed ee diiwaan-geliya dotSO.

Ujeeddada kulanka oo ka dhacay Xarunta KMG ah ee Hay’adda ayaa ahayd in la dhageysto caqabadaha haysta shirkadahan iyo talooyinka ay soo jeedinayaan si loogu biiriyo qorshaha dib-u-habeynta ee lagu sameynayo astaanta Qaranka si ay uga tarjunto ujeeddooyinkii loo aasaasay.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, oo kulanka furay ayaa sheegay in SONIC wixii hadda ka dambeeya aysan ahayn shirkad qof leeyahay, balse ay tahay hay’ad dawladeed oo u adeegeysa shacabka. Wuxuu Maareeyuhu intaasi ku daray in qorshuhu yahay in qof kasta oo Soomaali oo joogo meel kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda uu heli karo dotSO, una isticmaali karo qof ahaan, ganacsi, adeeg waxbarasho, iwm.

Wuxuu sheegay in hadafku uu yahay in la dhiso hay’ad lagu kalsoonaan karo oo la heer ah kuwa caalamiga ah, si taasi loo gaarana la sameyn doono qorshe lagu beddelayo muuqaalka (rebranding) hay’adda SONIC, lana soo bandhigi doono sida wax looga qabanayo caqabadihii hore ay dadku ugu qabeen SONIC.

Maareeyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkii iyo shaqaalihii hore ee gaarka ahaa ee SONIC dhammaantood laga joojiyay shaqada, wixii hadda ka dambeeyana aysan matalin SONIC. Sidoo kale wuxuu sheegay in lacagaha shirkadaha diiwaan-gelinta sameeya in lagu qaban doono nidaam banki oo kaliya oo aan la aqbali doonin lacag caddaan ah.

Wakiilladii ka socday shirkadaha ayaa ka mahad celiyay kulanka, iyagoo sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee kulan noocan ah loo qabto oo laga talo-galiyo sida loo maamulayo astaanta qaranka. Waxay ballanqaadeen inay soo dhoweynayaan isbeddellada cusub ee lagu sameynayo maamulka astaanta qaranka, ayna diyaar u yihiin inay dhankooda sare u qaadaan tayada adeeggooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...