Shirka waxbarashada ee lagu qabtay magaallada dhusamareeb oo war murtiyeed laga soo saaray

Date:

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud lagu soo gaba gabeeyay shirkii Wasaaraddaha Waxbarashadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Wasiiradda iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Wabarashada Dawlad Goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

Shirkan oo markii ugu horeysay lagu qabtay meel ka baxsan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mid ah in la tayeeyo Wasaaraddaha Waxbarashada Dawlad Goboleedyada Dalka, in Iskuulada loo daayo Magacyadii hore ee Dawladu u bixisay iyo Sidoo kale in Xarumaha Maamul Goboleedyada dalka lagu qabto Shirarka ay yeelanayaan Wasaaraddaha Waxbarashada dalka.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Warbaahinta u aqriyay War-murtiyeedka laga soo saaray shirka.

            HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARMURTIYEEDKA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Muqdisho, Arbaco, 31 Diseembar 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...