Shirka waxbarashada ee lagu qabtay magaallada dhusamareeb oo war murtiyeed laga soo saaray

Date:

Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud lagu soo gaba gabeeyay shirkii Wasaaraddaha Waxbarashadda oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Wasiiradda iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Wabarashada Dawlad Goboleedyada Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeele.

Shirkan oo markii ugu horeysay lagu qabtay meel ka baxsan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Qodobada la isla meel dhigay waxaa ka mid ah in la tayeeyo Wasaaraddaha Waxbarashada Dawlad Goboleedyada Dalka, in Iskuulada loo daayo Magacyadii hore ee Dawladu u bixisay iyo Sidoo kale in Xarumaha Maamul Goboleedyada dalka lagu qabto Shirarka ay yeelanayaan Wasaaraddaha Waxbarashada dalka.

Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa Warbaahinta u aqriyay War-murtiyeedka laga soo saaray shirka.

            HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WARMURTIYEEDKA

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...