Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta

Date:

kulanka wasiirka iyo xoghayaha ayaa diiradda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa xoghayaha Guud ee Ururuka Jaamacadda Carabta warbixin ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, iyadoo xoghayuhu uu bogaadiyey horumarada iyo dadaalada ay wado dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Abul Qeyd ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay mar waliba garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay gacan ka geysaneyso dib usoo celinta Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya.

Xogahaya guud ee Ururuka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Qeyd ayaa xusay in si gaar ah Hay’adaha amniga Soomaaliya lagala shaqeyn doon sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda dhinaca sugidda amniga ah.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in deeq bixiyeyaasha Caalamiga ah ay kala hadli doonaan sidii gar gaar loo gaarsiin  Soomaaliya, sidaasi oo kalena dowladda federaalka ah ay kala shaqeyn doonaan dhinaca Doorashooyinka soo socda islamarkaana ay usoo diri doonaan kormeerayaal ka socda Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Boqortooyada sacuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee ururka Jaamacadda Carabta oo hor dhac u ah shir madaxeedka 29-aad ee madaxda ururka Jaamacadda Carabta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...