Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay waqtiga uu furmayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan oo shalay shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shaadiga ee Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka.

Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka qeyb geli doonaan 27-kun oo Arday,isagoona tillmaamay in imtixaanka uu ka qabsoomayo dhamaan maamul Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale,Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo lagu diyaariyay dalka gudihiisa la qaban doono 19-ka bisha May ee sanadkan 2018-ka,waxaana Qarashaadka ku baxaya dhamaan bixinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii,Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan,Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa bogaadiyay Hay’adaha amaanka sida hufan ee uga qeyb qaataan sugida ammaanka dhammaan xarumaha Waxbarasho ee lagu qabto Imtixaanaadka Dugsiyada sare ee Dowladda ay qaato.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

25-carruur Soomaaliyeed oo adeeg caafimaad oo muhiim ah ka helay Talyaaniga

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji,...

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka...

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...