Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Date:

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u rajeeyay ciidamada in gabi ahaanba ay la wareegi doonaan amniga guud ee dalka, waxa uuna ku yiri hadal qoraal ah uu soo dhigay bartiisa bulshada “”58-sano kadib waxaan idiin kuugu hambalyeynayaa munaasabadda sanad-guuradiin, waxaan idiin rajeynayaa sanadaha soo socdo in la idiin kaga kaaftoomi doono kaalmaha ciidan ee wadamada kale dalkeenu sii-yaan”.


Dhanka kale S/guuto Liibaan Cali Yarow oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa isna u jeediyay dar-daaran ciidamada, waxa uuna si gaar ah ugu tilmaamay in ay ilaaliyaan anshaxa iyo kala dambeynta “waxa kaliya ee ciidan awood ku yeelan karaa waa kala dambeynta, waxa uuna ku sii jiri karaa heerka ay ka gaareen ilaalinta anshaxa” ayuu yiri.


12-April 1960 ayaa la’ aas-aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kadib xurriyadii,waxaana sanadkasta maalintan oo kale ay u dabaal degaan jiritaankooda oo hadda laga joogo 58-sanadood..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...