Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo hambalyo u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Date:

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u rajeeyay ciidamada in gabi ahaanba ay la wareegi doonaan amniga guud ee dalka, waxa uuna ku yiri hadal qoraal ah uu soo dhigay bartiisa bulshada “”58-sano kadib waxaan idiin kuugu hambalyeynayaa munaasabadda sanad-guuradiin, waxaan idiin rajeynayaa sanadaha soo socdo in la idiin kaga kaaftoomi doono kaalmaha ciidan ee wadamada kale dalkeenu sii-yaan”.


Dhanka kale S/guuto Liibaan Cali Yarow oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa isna u jeediyay dar-daaran ciidamada, waxa uuna si gaar ah ugu tilmaamay in ay ilaaliyaan anshaxa iyo kala dambeynta “waxa kaliya ee ciidan awood ku yeelan karaa waa kala dambeynta, waxa uuna ku sii jiri karaa heerka ay ka gaareen ilaalinta anshaxa” ayuu yiri.


12-April 1960 ayaa la’ aas-aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kadib xurriyadii,waxaana sanadkasta maalintan oo kale ay u dabaal degaan jiritaankooda oo hadda laga joogo 58-sanadood..

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...