Tababar ku saabsan sare u qaadidda tayada howlaha maamulka oo u furmay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Date:

Tababarkan ayaa ka kooban qaybo kala duwan oo ay kamid yihiin hawlaha maamulka, qorsheeynta, isticmaalka Tiknoloojiyadda iyo qoraalka warbixinada oo intaba muhiim u ah Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda hogaamineyso.

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo tababarka furay ayaa shaqaalaha ku dhiirageliyay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heleen.

“Waxaan idinku dhiiragelinayaa inaad si wanaagsan ugu faa’ideysataan tababarkan muhiimka u ah hawlaha ay Wasaaradda u hayso dalka. Wasaaradda marwalba waxaa ka go’an in waajibaadka saran ay sida ugu wanaagsan u gudato tallaabadan ayaana u ah cadeeyn maadaama marka aad tababarka dhameysataan ay horseedi doonto ka guul gaarista hawsha ballaaran ee naga horeysa” ayuu yiri Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.

Ugu dambayn, tababarkan ayaa ah mid lagu tayeeynayo islamarkaana kor loogu qaadayo Kheyraadka Aadamiga ah ee ay Wasaaraddu heysato si guul looga gaaro arrimaha dib-u-eegista Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...