Agaasime koofi oo Nairobi kula shiray Saraakiisha hay’adda IOM -(Sawirro)

Date:

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Col; Maxamed Aaden Koofi, oo safar shaqo ku jooga Dalka Kenya ayaa kulan la qaatey madaxda cusub ee hay’adda socdaalka Adduunka u qaabilsan geeska Africa iyo Soomaaliya.

Kulankaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa soconayey mudo labo Maalin ah, waxaana laga wada hadley Maanta qodobbo ay ka mid yihiin:-

1) Hababka wada shaqeynta.

2) Ka hortagga danbiyada iskaga gudba xuduudaha iyo Socdaallada sharci darrada ah.

3) Dhameystirka dib u howlgelinta barihii laga koontrooli jirey xuduudaha Dhulka ee Soomaaliya la leedahey dalalka dariska ah.

4) Waxyaabaha kusoo kordhey socdaalada adduunka.

5) iyo iskaashi dhinaca socdaalka ah oo laga yagleelo geeska Africa.

Agaasimaha iyo madaxda hay’adda Socdaalka adduunka ayaa isla qaatey in wadashaqeynta la xoojiyo isla markaana kulamada kale ee kan xiga ay ka dhacaan gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...