Cornerl Kofi oo kormeerray xarunta hey’adda socdaalka Dubai

Date:

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi oo maalmahaan safar shaqo ku marayey wadamo ka tirsan dalalka Khaliijja ayaa shalay galinkii dambe booqdey safaaradda Soomaaliya ee ay ku leedahey magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaratka Carabta, wuxuuna kulan la qaatey siihayaha safaaradda mudane Axmed Daahir Maxamed (Axmed Global) iyo dublamaasiyiinta kale ee safaaradda.

Kulanka agaasimaha iyo siihayaha safaaradda ayaa looga hadley ilaalinta sharuucda iyo habraaacyada bixinta Basaboorka iyo Dal-ku galka (visa).

Sido kale wuxuuna agaasimuhu Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya intii uu safaaradda joogay la kulmay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka UAE oo caqabado ay ka heysteen helidda baasaboorka.

Wuxuuna u sheegay iney dadaal ku bixinayaan sidii ay si fudud oo dhib yar ugu heli lahaayeen Baasaboorka,sidoo kale,Agaasime Kofi ayaa ku amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abuu Dhabi wada shaqeynta kala dhaxeyso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...