Cornerl Kofi oo kormeerray xarunta hey’adda socdaalka Dubai

Date:

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Koofi oo maalmahaan safar shaqo ku marayey wadamo ka tirsan dalalka Khaliijja ayaa shalay galinkii dambe booqdey safaaradda Soomaaliya ee ay ku leedahey magaalada Abuu Dhabi ee dalka Imaaratka Carabta, wuxuuna kulan la qaatey siihayaha safaaradda mudane Axmed Daahir Maxamed (Axmed Global) iyo dublamaasiyiinta kale ee safaaradda.

Kulanka agaasimaha iyo siihayaha safaaradda ayaa looga hadley ilaalinta sharuucda iyo habraaacyada bixinta Basaboorka iyo Dal-ku galka (visa).

Sido kale wuxuuna agaasimuhu Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya intii uu safaaradda joogay la kulmay qaar ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda dalka UAE oo caqabado ay ka heysteen helidda baasaboorka.

Wuxuuna u sheegay iney dadaal ku bixinayaan sidii ay si fudud oo dhib yar ugu heli lahaayeen Baasaboorka,sidoo kale,Agaasime Kofi ayaa ku amaanay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Abuu Dhabi wada shaqeynta kala dhaxeyso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...