Shirkii Madasha Wasiirada Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo gobolka Benaadir oo la soo xiray “SAWIRRO”

Date:

Shirkii 11 ee Madasha Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Gobolka Benaadir oo uu soo xiray Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa laga soo saaray warmurtiyeed ka kooban 13 qodob oo lagu qeexay caqabadaha haysta dhismaha Golayaasha Degmooyinka Dalka iyo dib-u-heshiisiin, wixi laga bartay iyo sida hore loogu dhaqaajin karo.

Qodobada waxa ka mid ah in la dardargaliyo dhismaha golayaasha deegaanka si loo gaaro doorasho qof iyo cod ah, oo muhiim u ah degmooyinku inay leeyihiin maamula la soo doortay.

Cabdifataax Cali Xasan Agaasimaha Siyaasadda iyo dimoqraadiyadda Gobolka Benaadir waxa uu soo dhaweeya go’aanka Shirka Madasha ka soo baxay, ayna diyaar u yihiin la shaqeynta Wasaaradda.

Wasiirka Arimaha gudaha ee Koofur Galbeed Maxamed Madobe Nuunoow iyo Wasiirka Arimaha gduaha ee Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa waxa ay si wada jir ah u tilmaameen in dowlad goboleedyadu qaadanayaan doorkooda ku aadan dhismaha dowladaha Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshsiisiinta ee Xukuumadda Federaalk ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed  Sabriye ayaa xiritaanka madasha ka sheegay dhismaha dowladaha Hoose inay saldhig u tahay horumarka dowladnimada.

“Dalka dhan waa degmooyin, ciid Wadankan ku taalo oo aan degmo ahayn ma jirto, macnaheedu waxa waaye, wadankan waxa uu u baahanyahay inaan wax gelino oo aan ka mira dhalino, Wasaaradaha Arrimaha gudaha waa saldhigga horumarka dalka, xaqiiqda waa taas, haddii ay doorasho noqoto, haddii ay adeegyo noqoto, haddii ay Kheyraad noqoto, cid ka shaqeyn karta degmo ama dowlad goboleed aan dhisneyn ma jirto, horta aan arrinkaa ku baraarugno oo aan qaadano hogaankeeda” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka Madasha Wadashiga Wasaaradaha Arrimaah Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Gobolka Benaadir ee hannaanka Qaran ee dowladaha Hoose ee Wadajir oo saddexdii bil mar la qabto ayaa kan xiga lagu qaban doono Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koofur Galbeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...