Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Cambaareeyay Qaraxii Argagixiso ee Muqdisho

Date:

Dalalka Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa  si xoog leh u cambaareeyay  qaraxii argagixisadu shalay ka geysteen magaalada Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu yiri “ Dowladda Sacuudigu waxay si adag u cambaareyneysaa qaraxii shalay ka dhacay bannaanka hoteel ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac”

Bayaanka ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu caddeeyay in dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee ay walaalaha yihiin ku garab taagan tahay la dagaallanka argagixisada iyo xag jirnimada.

Dowladda Sacuudiga ayaa tacsi u dirtay dadkii ehelkoodu qarax ku  geeriyoodeen iyo dowladda Soomaaliyaba, iyadoo caafimaad qab deg deg  ah u rajeysay dadkii dhaawacmay.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarkii shalay argagixisadu ka geysteen waddada Makka Almukarrama.

Dowladda Imaaraadku waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya ku garab joogto dagaalka ay kula jirto xag-jirnimada, Iyadoo ugu baaqaday beesha caalamka in la isu kaashado la dagaallanka iyo sidii loo xididdo siibi lahaa  Aafadan khatarta ku ah degganaanshaha dalalka caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...