Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay shirka Madasha hanaanka Qaran ee Dowladdaha hoose “Sawirro”

Date:

Shirkan ayaa waxa diiradda lagu saarayaa  hormarada iyo caqabadaha dhismaha dowladdaha hoose iyo dib u heshisiinta, waxaana ka qeyb galaya wasiirada Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo gobolka Banaadir oo ku midaysan madasha Hannaanka Qaran ee dhismaha dowladdaha hoose ee Wadajir.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Joqombe)ayaa ka hadlay u jeedada shirka

“ Shirkan runtii  Muhiimad weyn ayuu leeyahay Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waayo ma sahlana in la isku helo in la iska xog waraysto hormarada socda iyo caqabadaha jira oo waxyaabaha soo socda sida Wadajir ah looga wada tashado” Agaasime Cali Joqombe ayaa sidaasi yiri

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad  goboleedka Hirshabeelle oo ku hadlay afka wasiirada dowlad goboleedyada ee ka qeyb galaya shirka ayaa tilmaamay inuu shirku muhiim u yahay xalinta caqabadaha wasaaradaha Arimaha gudaha, dib u heshiisinta Iyo gobolka Banaadir.

“ Farxad weyn ayay noo tahay inaan ka soo qeyb galno shirkan 3 biloodlaha ah oo aad moodo inuu maanta qiima gaar ah leeyahay, maadaama uu markii ugu horeysay aan soo wada fariisanay wasiirkeena aad iyo aad ayuu qiima noogu leeyahay” Wasiir Caadle ayaa sidaa yiri

Wasiirka Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib uheshiisinta XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in haddaan lagu guulaysan dhismaha dowladaha hoose aan la gaari Karin doorasho qof iyo cod, Madashana loo baahan yahay inay ka shaqeyso.

“ Talaabada ugu dhibka badan ayaa inoo harsan oo ah inaan 68 degmo oo ka soo bilaabaynaysa Gaalkacyo ilaa meesha ugu dambaysa Koofurta inaan ka dhisno goleyaasha deegaanka, Hadii la rabo inaan sanadka 2020 aan gaarno doorasho qof iyo cod ah haddaan la dhisan maamul degmo waxba ma shaqeynayaan, waad wada garan kartaan baahida koowaad waa in dadkii deegaanka loo dhisaa maamul ay dareemayaan inay iyagu leeyihiin” Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa yirri

Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta Wasaaradaha si loo gaaro Hiigsiga doorasho qof iyo cod ah.

“ waxaan rabaa inaan iraahdo aan wadasheyno aan isaga dhowaano howlaha noo yaala oo aysan suurta gal aheyn in dowladda Federaalka gaar u qabato ama dowlad goboleed uu kaligiis qabto, wadanka waa hal wadan, waxaana uu u baahan yahay waxqabadkiisa in la mideeyo, inta masuuliyiinta ahna ay wadatashadaan dadka la shaqeynayana ay ku garab istaagaan” Wasiir Sabriye ayaa yirri

Shirkan ayaa la qabtaa 3 dii bilba mar si loo wajaho caqabadaha ku hor gudban gaarista dib u heshiisiin waarta oo ku Xeran daadajinta awoodda dowladda iyo dhismahaha dowladaha hoose.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan looga hadlay xoojinta amniga deegaannada KGS

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto...

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha XFS oo Kulan wada jir ah ka Yeeshay Xoojinta Arrimaha Shaqooyinka Qaranka

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Mudane...

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...