Madaxweyne Xaaf oo casuumay qaar ka mid ah Dhallinyaradii laga soo daayay Xabsiyada Caalamka

Date:

Waxaa Maanta xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamul Goboleedka Galmudug Konton ka mid ah Dhallinyaradii dhawaan laga soo daayay xabsiyada Dalka Hindiya

Xafladdan oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada maamulkaasi ayaa waxaa ka hadlay C/naasir Cabdulle Aadan, oo ka mid ahaa Dhallinyaradii lasoo daayay, wuxuuna ka sheekeeyay dhibaatooyinkii ay ku mutaysteen Xabsiga, wuxuuna xusay inay Dawladnimadu tahay wax qiimo wayn ku fadhiya, isagoo sheegay in muwaaddinka markii ay dhibaato soo gaadho cidda keliya ee wax u qaban karta inay tahay Dowladdiisa.

Xildhibaan Salaad Ceynte ayaa waxa uu sheegay inay Maanta xor yihiin, soo deyntoodana lagu bixiyay  waqti iyo Dadaal Xoogan, sidaa darteedna loo baahan yahay inay barbar istaagaan Dowladnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Siciid Siyaad Shirwac ayaa Dhallinyaradan loo daayay xusuusiyay in laga rabo inay ilaashadaan Maamulka kana hortagaan wixii caqabado ku ah.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”ayaa waxa uu ballan qaaday in loo abuuri doono Dhallinyaradan fursado shaqo, loona baahan yahay inay is uruursadaan si ay u noqdaan Dad wax qabsada oo Dalkooda iyo Naftooda wax u tara.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaallo xooggan u gashay sidii Dalkooda Hooyo loogu soo celin lahaa Maxaabiista ku jirta qaar ka mid ah Xabsiyada Waddamada Caalamka, kuwaasoo u xirnaa Burcad badeednimo iyo Tahriib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...