Ciidamada Xoogga Dalka ee Buur-dhuubo oo Jab xooggan gaarsiiyay Malleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Date:

 Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Degmada Buur-dhuubo ayaa dharbaaxa kulul u geystay Malleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo weerar Naf la caarinimo ah ku soo qaaday Saldhigga Ciidanka Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Degmada Xasan Maxamuud Cali, ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay inay halkaasi cadawga kaga dileen Shan xubnood, tiro intaa ka badanna ay ugu dhaawaceen, iyagoo ka fursay Hub iyo Saanad Ciidan.

Mr; Xasan ayaa sidoo kale sheegay inaysan dhankooda wax qasaara ah kasoo gaarin ,kuna sii raad joogaan firxadkii kooxda nabad diidka ah, wuxuuna xusay inay qaar ka mid ah Raggii kaga dhinta weerarkii ay soo qaadeen ay ku aasteen degaanno ka fog Buur-dhuubo.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed mar walba sameeyaan howl-gallo joogto ah oo lagu ugaarsanaya kooxaha nabad diidka iyo Dadka xiriirka la leh, iyagoo kaashanaya Shacabka ku nool Degmada Buur-dhuubo iyo nawaaxigeeda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...