Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya+Sawirro

Date:

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir oo uu wehliyo Ku-xigeenkiisa koowaad Dr. Muuse Macallim Maxamed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bakar.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr.olgan Bakar,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Ku-xigeenkiisa ayaa kullan oo ay Arrimo muhiima kaga wada hadleen wada qaatay.

Mr; Olgan Bakar;ayaa kullanka kadib waxa uu booqday xafiisyada Xeer ilaalinta ay ku shaqeeyaan, waxaana warbixin ku aaddan habka howsha loo qabto siiyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

ku-xigeenka Koowaad ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr. Muuse Macalin Maxamed ayaa ka hadlay Booqashada Safiirka Turkigu ee xafiiska Xeer ilaalinta iyo kulanka ay la qaateen.

“ Waxay ahayd booqasho caadi ah oo safiirka uu ku yimid Xafiiska Xeer ilaaliyaha  Guud ee Qaranka,aadaan runtii u soo dhoweynay inkastoo xafiiska aad ugu mashquulsan yahay Waajibaadka iyo howlaha dastuuriga iyo kuwa qaanuuniga ee saaran,waxayna noo ahayd booqasho iyo kulan gaar ah oo aan la yeelanay safiirka, ujeedka safiirkana wuxuu ahaa inuu u kuur galo, arko,la kulmo goobta uu ku shaqeeyo xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” Ayuu yiri ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Muuse Macalin Maxamed.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Axmed Cali Daahir ayaa Guddoonsiiyay billad sharaf Safiirka Turkiga Olgan Bakar oo ugu mahad celiyay Walaalaha Turkiga Garab istaagooda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...