kulankii ugu horeyay ee kalfadhiga barlamaanka Soomaaliya oo Go’aano mihiim laga soo saaray

Date:

Kalfadhiga Sedaxaad kulankiisa koowaad oo ku furmay 170-Mudane ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominayay waxa uu mudanayaasha u sheegay in loo soo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixanyihiin 11-Xildhibaan oo lagu dalbanayo in dib loo dhigo ka hadalka arinta Shirkada DP World ee heshiiska dekada ber bera oo ka mid ahaa Ajendayaasha maanta goluhu ay ka hadlayeen,ka dibna cod ayaa la geliyay waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyahaya golaha Shacabka

Gudoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulanka ka akhriyay Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed oo ah xeer uu guddooonka golaha shacabka curiyay,waxaana Xildhibaanada qaarkood oo hadlay ay soo dhoweeyeen xeerkan uu goluhu soo saaray.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid dhaxal u ah umada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xeerkan uu horey isugu raacay gudiga joogtada ah ee golaha shacabka.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod ah in qaraarkan uu sidii loo soo jeediyay iyo wax ka bedel lagu sameeyo geliyay xeerkan Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed ,waxaana ogolaatay 168-mudane hal aya diiday midna waa uu ka aamusay sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar.

Waxaa loo gudbay Ajendaha labaad oo ahaa qeybinta warbixinta wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka,sidoo kalana xildhibaanada waxaa loo qeybiyay miisaaniyada 2018 ee golaha shacabku Ansixiyay,Waxaana Akhriyay Xildhibaan Maxamuud MacalinYaxye oo ah gudoomiyaha xeer hoosaadka ee golaha shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...