Abwaan baarleex oo soo gaaray muqdisho

Date:

Mas”uuliyiintan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa maanta  Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweeyey Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo mudoyinkii ugu danbeeyey ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Galbeed ayaa waxaa hogaaminaayey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Cilmi Cumar Ceynsane, iyadoo qeyb ay ka ahaayeen  mas”uuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga iyo Fanaaniin.

Markii ay soo caga-dhigatay diyaaradii wadey Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex ayuu  masuuliyiintii soo dhoweysay iyo Warbaahintaba uga waramey Xaaladiisa Caafimaad.

” Aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay maanta meesha aan joogo waa magaalo madaxdii dalka Soomaaliya,halkaan raggaa isoo dhoweeyay ee sida fiican ii qaabilay ee illaa xilligan ii guntan,ee meeshaan ku dagayay iyo nolosheyda ee xanuunkeyga iyo baaritaankeyga xilka iska saaray illaahey baa Mahad leh Walaaladeybaa u Mahad naqaayaa”,Ayuu yiri Abwaan Baarleex.

Farxaan Xidig oo ah xubin ka tirsan wacyi galinta Ciidamada qalabka sidda oo isna warbaahinta la hadlay ayaa taariikhda Abwaan Baarleex ka sheekeeyay.

” Aad iyo aadbey u jecel yihiin Ciidamada wacyigelintiisa,hal abuurkiisa aadbaan ugu faraxsanahay inaan maanta Muqdisho ku soo dhoweynayo,madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qadka Taleefanka Abawaan kula xiriiray isagoo Hargeysa ku xanuunsan,” ayuu yiri Farxaan Xidig.

Wasiirku xigeenka ahna Kusimaha wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka ayaa sheegey Abwaan Baarleex Xaaladiisa Caafimaad oo dalka wax looga qaban waayey in dowladda Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii uu u heli lahaa caafimaad dibadda ah.

” Muddo ayuu ku xanuunsanaa Gobollada Waqooyi gaar ahaan magaalada Hargeysa,halkaan waxaan u keenay inaan la soconno xaaladiisa caafimaad oo dhaqaatiirta ay sheegeen in dalka gudahiisa waxba looga qaban karin,waxaana isku dayi doonaa in caafimaad dibada ah u dirno Abwaanka,” ayuu yiri ku simaha Wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane.

Abwaan Cabdullahi Xirsi Baarleex oo ka mid ah hal-abuurada Soomaaliyeed ayaa bilooyinkii ugu danbeeyey ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, waxayna sheegeen dhaqaatiirta la tacaaleysay caafimaadkiisa in gudaha dalka waxba looga qaban Karin una baahan yahey in loo diro dalalka dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...