Kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta oo muqdisho lagu qabtey

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay kulan looga hadlayo dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana ka qeyb galaya Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Hay’adaha ka shaqeeya Nabada iyo Dib u heshiisiinta iyo Masuuliyiin kale.

Wasiirka ayaa kulanka ka sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u heshiisiinta maadaama ay aasaas u tahay nabadda iyo xasiloonida Dalka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u heshiisiinta iyo sida ay uga go’an tahay, isagoo Tusaale usoo qaatay dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna iyo Xal ka gaaristii dagaaladii Gaalkacyo.

Wakiilada ka socda dowladaha Yurub ee ka qeyb galaya kulanka ayaa balanqaaday inay door weyn ka qaadan doonaan Taageerada Soomaaliya ee dib u heshiisiinta.

Kulankan oo socon doona Labo Maalin ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...