Guddoomiyaha Gobalka Benaadir oo kulan la qaatey odeyaasha dhaqanka

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay horumarka iyo amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa ku bogaadiyey odayaasha dhaqanka Gobolka sida ay ugu taaganyihiin horumarinta iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoona u ballan qaaday in tallooyinka iyo qorsheyaasha horumarineed ee ay soo bandhigeen Maamulka Gobolku uu siin doono mudnaan iyo tix-gelin.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay Shirkadaha gaarka loo leeyahy iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay kaalin mug leh ka qaataan dhisidda iyo dayactirka waddooyinka magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim u tahay bilicda caasimadda, sidoo kalena goobaha laga hirgeliyo jidadka laamiga ah ay ka abuurmeen fursado shaqo iyo dhaq dhaqaaq ganacsi oo mug weyn.

“In Laamiga aan gaarsiinno isgooyska Fagax iyo Xaawo Casir waan balan qaadnay anaga oo isku tashanayna dhawaan ayaana dhagax dhigi doonaa, balse qorshahaan iyo qorsheyaasha kale waxa ay u baahanyihiin in bulshadu kaalintooda ka qaataan, dibna aan u soo nooleyno isku tashigii ay ku tilmaamnaayeen shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Guddoomaha oo la hadlayey odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka oo dhankooda uga mahad celiyey Maamulka Gobolka sida wanaagsan ee loo tixgeliyey soo jeedintooda, ayaa ballan qaaday in kaalin muhiim ah ay ka qaadan doonaan sidii looga mira dhalin lahaa dadaallada isku tashiga ah ee lagu hormarinayo Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ka guddoomay odayaasha dhaqanka codsi ay soo gudbiyeen bulshada ku dhaqan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa kaas oo ku saabsanaa in loo hirgeliyo dayac tirka laamiyada mara isgoyska Fagaxda iyo deegaanka Caawo Casir, iyadoona bulshadu ay soo bandhigeen in ay kaalintooda ka qaadanyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...