Xoghayaha Arimaha dibadda Maraykanka oo booqan doono dalal ka tirsan africa.

Date:

Xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa dhowaan booqan doona dhowr dal oo Afrikaan ah, sida ay shaacisay wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi.

Booqashada Tillerson ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah tan iyo intii maamulka Trump uu qabtay talada Aqalka cad, booqashadan  oo ku beeggan March 6 and 13keeda waxay socon doontaa muddo 7 maalmoodd ah, wuxuuna booqan doonaa dalalka kala ah Chad, Djibouti,  Ethiopia, Kenya iyo Nigeria.

Booqashada Xoghayaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa kadib hadaladii carada dhaliyay ee Madaxwayne Trump ku tilmaamay dadka Afrikaanka bishii January ee sanadkaan.

Rex Tillerson wuxuu la kulmi doona madaxda dalalka uu booqan doono, iyo sidoo kale Madaxda Midowga Afrika ee xaruntooda tahay Addis Ababa.

Waxuuna kala hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin horumarinta nabadda iyo amniga, kor u qaadida dowlad wanaaga, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale Madaxda dalalka deriska la ah Soomaaliya oo Mareykanka iskaashi dhow la leeyahay ayuu kala hadli doonaa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa Labo sano booqasho lama filaan ah uu ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo xilligaas booqanayay dalalka Geeska Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...