Xarumo dheeraad ah oo laga heli doono adeegyada caasimadda oo xariga laga jaray.

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xariga ka jaray xafiisyada Adeegga ee degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag ee Gobolka Benaadir.

Xafiisyada Adeegga heer degmo ee la hir geliyey ayaa bixin doona adeegyada shatiyada, dhalashada iyo sugnaanta, kaarka aqoonsiga ee dawladda hoose, Nootaayooyinka iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah, kuwaas oo markii hore shacabku ay u soo doonan jireen Xarunta Gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Eng. Yarisow ayaa sheegay in xarumahan cuusb oo maamulku hirgaliyey ay bilow u yihiin daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo xaqiijiyey in Maamulka Gobolka uu xooga saarayo sidii dadweynaha ku nool Gobolka Benaadir ay degmooyinkooda uga heli lahaayeen adeegyada ay uga baahanyihiin Maamulka gobolka.

“waxaan kula dardaarmayaa shaqaalaha howsha qaban doona in ay bulshada ugu adeegaan si hufan iyo in loo fududeeyo dadweynaha adeegyada ay xafiisyadan uga baahan yihiin, iyada oo sharafatooda la dhowrayo, waxaana ka maamul ahaan diyaar u nahay in aan dhammaan adeegyada asaasiga ah sidaan oo kale bulshada usoo gaarsiinno.” Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaasha labada degmo ayaa goob joog ka ahaa furitaanka xarumahan.

Dadka ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa aad usoo dhaweeyey tallaabadan Maamulka Banaadir uu qaaday maadaama ay markii hore adeegyada maanta degmooyinkooda loogu geeyey ay usoo aadi jireen Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi...