Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Abu-dhabi.

Date:

R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ee maanta galinkii dambe ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Abu-Dhabi ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, Halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka tamarta iyo warshadaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta H.E. Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei

Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Booqsho labo maalin ah halkaasi ugu bilaabatay, isagoo inta uu joogo wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kulamo la qaadan doono Madaxda Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka H.E. Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadli doono Arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirta xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee kala dhexeeya Dalalka Caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...