Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqdey Warshada farsamada gacanta ee xabsiga dhexe

Date:

Taliyaha Cusub ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kormeeray Warshadda Farsamadda Gacanta ay ku bartaan Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Warshadda Waxsoosaarka Ciidanka Asluubta, halkaasi oo soo indha indheeyey sida shaqada ay u socoto.

Taliyaha oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa iyo Saraakiil kale, ayaa mid mid u booqday Qeybaha ay ka kooban yihiin Warshadahaasi, waxaana uu xog wareystay Madaxda , Maxaabiista farsamadda gacanta barata iyo Ciidanka ka shaqeynaya Warshadda.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in Shaqada Warshadda si dardar leh ay ku socon doonto, islamarkaana la ballaarin doono, isaggoo tilmaamay in Warshado kale lagu soo kordhin.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ),...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa...