Madaxweynaha Jubbaland oo amaanay Mataaneynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ka sagootiyay wafdi balaaran oo kasocday wadanka Turkiga oo booqasho shaqo ku yimid Jubbaland.

Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa aheyd indho indhaynta goobo kala duwan oo mashaariic ay ka fulinayaan iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga isla markaana meelo badan ay labada Magaalo iska shabahaan.

Wafdigan ayaa waxaa intuu joogay Jubbaland wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyadoo si qoto dheer looga wada hadlay qaabkii Turkigu uu ku bilaabi lahaa mashaarciida uu ka fulinayo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay ay miro dhal nqodeen isla markana mar dhow ficil loo badali doono.

Madaxweynaha wuxuu amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu sheegay in wafdigan ay dhawaan tagi doonan meelo kale oo Jubbaland kamid ah oo mashaariic laga fulinayo isagoo amaanay sida Dowlada Turkiga ay uga go’an tahay in taageeradeeda ay gaarsiiso dhamaan wadanka.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee loo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonaan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weyn tahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Casuumaad u dirtay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi ka socdo dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Laascaanood

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray...

Sareeye Guuto Axmed Suleymaan Dafle oo ku Geeriyooday Belgium-ka

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN Allaha u naxariistee Sareeye...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...