Wafdi uu hogaaminaayo raa’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turki oo soo gaarey Muqdisho

Date:

Wafdi uu hogaaminayo Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan CawuลŸoglu ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho,waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Masโ€™uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu horkacayo Raโ€™iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Garoonka diyaaradaha Adan cade ku soo dhoweeyay Raโ€™iisal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga iyo Wafdiga uu hogaaminayo.

Hakan Jaush Ogolo raiisul Wasaare kuxigeenka Turkiga iyo wafdigiisa oo uu wehliyo dhigiisa Soomaaliya ayaa booqday saldhigga Militari ee Turkiga uu ku tababaro Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku yaalo deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho.

Masโ€™uuliyiintani ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu saldhigaasi ka kooban yahay, iyagoo u kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha tababarka Ciidanka Xooga Dalkaoo qeyb ka ah taageerada Turkigu uu u fidinayo Soomaaliya.

Waxaa halkaasi hadalo ka jeediyay R/wasaare kuxigeenada Soomaaliya iyo Turkiga, iyagoo si weyn uga hadlay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriira walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale,Raโ€™iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga ayaa inta uu ku sugan magaalada Muqdisho la kulmi doono madaxda Dowladda Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...