Taliyaha Ciidaanka Asluubta Soomaaliyeed oo hambalyo u direy sannad guurada ciidanka Asluubta

Date:

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa hambalyo u diray Taliska Ciidanka Asluubta oo Maanta u dabaal degaya Sanadguuraddii 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ku beegan 22-February sanadkii 1970kii.

“Sanadguurada 48aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo ku beegan Maalinta barri ah owgeed, waxaan Hambalyo leeyahay, Sareeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Alifleyda dableyda Ciidanka Asluubta, Xaasaskooda iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay horumar ku gaaraan sanadkan kiisa kale” ayuu yiri Sareeyo Guud Bashiir.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maalmahan diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira qabashada Xuska Maalintii la aas-aasay Ciidanka Asluubta oo ku beegan 22 Febraury, waxayna sanadkaan u dabaal dagayaan Sanad guuradoodii 48aad, iyadoo maalmahan ay ciidamadu wadeen diyaar garow ay ugu jiraan xuska maalinta la aas aasay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay xarunta maamulka Baydhabo

Baydhabo, Abriil 08, 2026: Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad...

Soomaaliya oo u diyaar-garowbaysa helitaanka maalgelinta cimilada

Xafiiska Sanduuqa Qaran ee Cimilada Soomaaliya (National Climate Fund...