Wasaaradda Caafimaadka XFS oo gaadiidka gargaarka deg dega ah ku wareejisay qaar kamid ah Isbitaalada Muqdisho

Date:

Goobta lagu wareejinayay gaadiidkaan waxaa ku sugnaa Wasiiradda Caafimaadka iyo qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjireyaasha wadamada Turkiga iyo Qadar, iyaddoo sidoo kale mas’uuliyiinta ay dhagax dhigeen Masjid laga dhisayo gudaha Isbitalka Turkida ee Yarmeli.

Gaadiidka oo gaaraya ilaa 3 baabuurta gargaarka deg dega ah ee Ambulance, ayaa loogu talagalay qaar kamid ah xarumaha  bixiya adeegyada caafimaad sida hay’adda Amiin Ambulance iyo Isbitalka Turkiga ee Yerdmili, sida uu faah faahinayo Nuur Xaji Cali oo ku hadlayay magaca hay’adda Qadar Charity.

Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur oo gaadiidkasi guddoonsiisyay hay’addihii loogu talagalay ayaa uga mahadcelisay Hay’adda  Qadar Charity isgarabtaageeda shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xeryaha Ciidamada ee Baydhabo

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi...

Taliyaha CXD oo kormeeray Xerada Ciidanka DANAB ee Galmudug

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka S/Guuto Ibrahim Maxamed ayaa Kormeer...