Gurmadka doonidii kusoo caariday Xeebta Boosaaso oo meel wanaagsan maraysa (Sawirro).

Date:

Dekedii macmalka aheyd ee Magaaladda Boosaaso oo laga barbar dhisayey dekeda weyn, ayaa iminka umuuqata mid gabogabo ah, waxaana suurta gashay in la gaaro halka ay kusoo caariday doonida.

Ganacstada Shacabka boosaaso iyo Dowlad goboleedka Puntland, ayaa iska kaashanaya qorshaha la doonayo in lagu badbaadiyo doonida xafiis oo Uraran ganacsato soomaaliyeed, taasi oo sababtay in la hirgeliyo dekedan macmalka ah.

inkastoo ay aad u liidatay rajada laga qabay in la badbaadiyo Hantida saaran doonida 7aad ka hor hadana waxaa muuqata in Qorshaha lagu samatabixinayo hantida saaran doonida xafiis uu gabgabo yahay.

Gurmadkaan oo loo kala harin ayaa maraya halkii ugu dambeeyey Haweenkuna Doorkoodii may gabin oo cuntada iyo cabitaanada ayey samaynayaan ‘ Waxaana gaadiidka dhulka iyo dadkuba iminka ay gaari karaan halka ay taallo doonida Xafiis oo Dekedda boosaaso u dhow.

Wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland oo wasiiradda Amniga iyo Dekeduhu ay ku jiraan ayaana maalmo ka hor boggaadiyey shaqada ka socota xeebta xilli ay kormeer ku tageen goobta laga dhisay dekeda macmalka ah.

In kastoo rajo laga qabay in la dejiyo hantida saaran doonida galabnimadii khamiista hadana badda oo kacsan darteed waxaan dib loogu dhisay maalinimada berito oo jimce ku beegan, Hantida doonida saaran ayaana isugu jirta Gawaari Qalab dhisme iyo bagaash.

 

 

SONNA

Maxamed Muuse Tarsan Sonna Boosaaso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo la wareegay xilka

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...