Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma oo is casilay..

Date:

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo maalmahan danbe cadaadis dhanka Siyaasada ah heystay ayaa Habeenkii Arbacada khudbad Qaran uu ka jeediyay Telefishinka  ku dhawaaqay inuu is casilay.

Madaxweyne Zuma ayaa heystay Cadaadis uga imaanayay xubnaha xisbigiisa ANC.

“ Waxaan halkaan  u imid go’aan ah inaan is casilo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu Mr. Zuma ka sheegay magaalada Pretoria.

75-jirkan ayaa waxaa saarnaa caddaadis ballaaran oo ah inuu xilka ku wareejiyo Madaxweyne ku xigeenka Cyril Ramaphosa, kaas oo ah hogaamiyaha cusub ee xisbiga ANC-da.

Jacob Zuma ayaa xilka Madaxweynaha Koonfur Afrika soo hayay tan iyo 2009, waxa uuna wajahayaa eedo dhowr ah oo musuq maasuq.

Iscasilaaddiisa ayaa waxa uu Zuma ku soo beegay dhammaadka khudbad dheer oo uu ku sheegay inuu aad uga soo horjeedo qaabka xisbiga ANC isaga ula dhaqmay.

Ku-xigeenka madaxweynaha dalka Koonfur Africa Cyril Ramaphosa oo isagana dhawaan la doortay ayaa la filayaa inuu noqdo siihayaha madaxweynaha maanta oo khmaiis ah.

Waxaana madaxweyne cusub lagu soo dooranayaa 30-cisho gudahood,balse Wasiirada howlahooda wey sii wadan doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...