Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda oo Dhagax dhigay MCH-ka degmada Wadajir (Sawirro).

Date:

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa maanta dhagax-dhigay MCH ka degmada Wadajir, iyadoo ay ka qeyb galeen munaasabadda dhigax-dhigga maamulka iyo bulshada degmada.

MCH-kan ayaa marka uu dhamaado dhismihiisu wuxuu bixinayaa daryeelka hooyada ka hor iyo kaddib dhalmada, waxuna noqon doonaa xarun si buuxda ugu qalabeysan bukaannada haweenka ah oo ay muddo dheer baahi weyn u qabeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sii wadidda in ay ka shaqeeyaan caafimaadka dadka ku nool Caasimadda, si loo buuxiyo baahida ballaaran ee ka jirta dhinaca Caafimaadka.

“Xaruntan waxaa ay faa’iido weyn u tahay haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku nool degmada Wadajir , Dhibaatooyinka ka jira dalka waa ay badan yihiin, balse qaybaha dhibaatada ugu weyn soo gaartay waa caafimaadka, waxbarashada iyo nabadgelyada. Waxaan aaminsanahay in shakhsi waliba uu dowr ka qaadan karo wax ka qabashadooda”.Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Tuulax.

Hirgelinta isbitaalka haweenka iyo caruurta u gaarka ah ayaa ka dhigan tallaabo loo qaaday dhinaca wanaajinta caafimaadka dadka nugul oo baahi weyn u qabeen bulshada magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray Xarummo muhiim u ah Galmudug 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Danjire Jibriil oo furay tartanka Lady Justice Joyce Aluoch ee lagu qabtay Jaamacadda USIU-Afrika

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa lagu martiqaaday inuu furo...

Masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle oo kormeer dhiirrigelin ah ku tagay deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji...