Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda oo Dhagax dhigay MCH-ka degmada Wadajir (Sawirro).

Date:

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax) ayaa maanta dhagax-dhigay MCH ka degmada Wadajir, iyadoo ay ka qeyb galeen munaasabadda dhigax-dhigga maamulka iyo bulshada degmada.

MCH-kan ayaa marka uu dhamaado dhismihiisu wuxuu bixinayaa daryeelka hooyada ka hor iyo kaddib dhalmada, waxuna noqon doonaa xarun si buuxda ugu qalabeysan bukaannada haweenka ah oo ay muddo dheer baahi weyn u qabeen.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Tuulax ayaa sheegay in ay ka goโ€™an tahay sii wadidda in ay ka shaqeeyaan caafimaadka dadka ku nool Caasimadda, si loo buuxiyo baahida ballaaran ee ka jirta dhinaca Caafimaadka.

โ€œXaruntan waxaa ay faaโ€™iido weyn u tahay haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka ku nool degmada Wadajir , Dhibaatooyinka ka jira dalka waa ay badan yihiin, balse qaybaha dhibaatada ugu weyn soo gaartay waa caafimaadka, waxbarashada iyo nabadgelyada. Waxaan aaminsanahay in shakhsi waliba uu dowr ka qaadan karo wax ka qabashadoodaโ€.Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Tuulax.

Hirgelinta isbitaalka haweenka iyo caruurta u gaarka ah ayaa ka dhigan tallaabo loo qaaday dhinaca wanaajinta caafimaadka dadka nugul oo baahi weyn u qabeen bulshada magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...