Maxamuud C/llaahi Siraaji oo ku guuleystay doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka…

Date:

Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta ka dhacday magaalaad Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ku guuleystay Maxamuud C/llaahi Siraaji oo la dhashey Ex. Wasiir Cabaas Siraaji.

Waxaa uu heley Maxamuud C/llahi Sheekh Siraaji codad gaaraya 50-cod, taasi oo fursad u siisay in uu ku guuleysto buuxinta kursigasi ka bannaanaa Golaha SHacabka.

Waxaa kursigaasi kula tartantay Gabar lagu magacaabo Fardowso Xuseen Maxamed oo aan helin wax cod ah,iyadoo mid kamid ah codadkii la dhiibtay uu halaabay.

Fardowso Xuseen Maxamed ayaa sheegtay in ay aqbashay qaabka ay u dhacday doorashadaasi,islamarkaana soo dhoweeysay.

Dhanka kale Guddiga madax banaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday qaab cadaalad ah,islamarkaan uu kamid ahaa 4 kuraas oo ka bannaaneyd Golaha Shacabka oo mid kamid ah Jowhar dhowaan lagu doortay,halka 2 kalena Muqdisho iyo Galmudug lagu qaban doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo...

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka ugu hambalyeeyay...