Wasiirka tamarta iyo biyaha xukumada federalka somaaliya oo cabasho ka muujiyey biyo la’aan ka jirta gobolada dalka

Date:

Mudane Saalim Caliyow Ibroow Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa baaq u diray Hey’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka  ee ka howlgala Soomaaliya  in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka dhashay Biyo la,aanta ee ka jira Dalka.

Wasiir Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in deegaano ka tirsan Dalka ay ka jirto Biyo la,aan saamayn ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirka  in ay lagama maarmaan tahay in Hey’adaha samafalku gacan weyn ka geystaan Caawinta iyo samata bixinta bulshada ku nool deeganada ay ka jirto Biyo la’aanta deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya..

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa imaanaya xili uu guray Webigga Shabeele ee mara Gobolada Shabeelooyinka iyo Hiiraan.

Arrintasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay beeralay iyo xoola dhaqato badan oo ku noolaa deegaanada uu maro webigaasi,mana jiraan keydada biyaha webiga oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka marka ay dhacdo dhibaatadan oo kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha SoDMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin...