Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo abaalmarin gudoonsiiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Date:

Munaasabad kooban oo abaalmarin lagu gudoonsiinaya Dhame Axmed C/laahi “Bashane” ayaa waxaa ka qeybgalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, ku xigeenka koobaad ee xeer ilaaliyaha, Muuse Macalin Maxamed, ku xigeenka xeer ilaaliyaha Dr. Maxamed Xasan Nuur, gudoomiyaha maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida, G/le sare Xasan Cali Shuute, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan bahda sharciga.

Ku xigeenka koobaad ee xeer ilaaliyaha guud Muuse Macalin oo ayaa sheegay in sarkalkani uu abaalmarintaasi ku muteeystay howlkarnimo iyo gudashada waajibaadka Qaranka.

Dr. Maxamed Xasan Nuur ayaa isaguna ka hadlay waxa uu sarkaalkaasi ku muteystay abaalmarinta uu siiyay xafiiska  xeer ilaalinta.

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida G/le sare Xasan Cali Shuute, oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu ula dhacsanyahay in abaalmarin noocan ah la gudoonsiiyay sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida oo muujiyay howlkarnimo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in taliyayaasha saldhigyada iyo baarayaashaba lagula xisaabtami doono shaqada ay u hayaan bulshada, isagoo shahaaddo sharaf gudoonsiiyay sarkaalkaasi.

Dhame Axmed C/laahi “Bashane” oo ah sarkaalka la gudoonsiiyay abaalmarinta ayaa ka hadlay sida uu u arko arrintaasi.

Waa marki ugu horeeysay oo xafiiska xeer ilaalinta qaranka uu abaalmarin gudoonsiiyo sarkaal ka tirsan ciidamada Qaran Soomaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxa Bisha Cas ee Qatar oo ka wada hadlay gargaarka iyo tababarrada

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Maxkamadda Ciidamada oo saakay xukun dil ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah...

Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac...