Rakaabkii ugu horreeyay oo habeenkii xalay ahaa ka dhoofay garoonka Aadan Cadde (Sawirro)…

Date:

Rakaabkii ugu horreeyay muddo 27-sana kadib ayaa  habeenkii xalay aheyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana safarkaasi sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Abdirahman Du’ale Beyle.

Dadkii ugu horreeyay ee dhoofay ayaa muujiyay sida eey ugu faraxsan-yihiin in eey ka dhoofaan garoonka Muqdisho, waxaana rakaabkaas oo Kenya u jeeday qaarkooda la ilmeeyeen farxadda dib u soo noqoshada Soomaaliyadii sameyd.

Wasiirka Gaadiidka & Duuliska Hawada Soomaaliya Mudane Oomaar uu war-baahinta u sheegay in eey ka dalbadaan howl-wadeenada & milkiilayaasha diyaaradaha rakaabka in eey habeenkii shaqeeyeen, Ocean Air ayaana noqotay shirkadii duulimeed ee diyaaradeed ee aqbashay codsiga Wasaaradda, waxa uuna wasiirka ku daray habeenada Khamiista iyo Talaadada eey duulimaad sameyn doonto.

Tan iyo markii lagu xiray  garoonka diyaaradaha nalalka Rain way-ga garoonka ayaa habeenadii diyaaraha imaan jiraan balse ma jirin diyaarad habeenkii ka baxda garoonka diyaaraha Muqdisho, waxanaa xalay ee u aheyd habeenkii ugu horreysay ee rakaab ka baxaan Muqdisho 27-sana kadib….

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...