Ilaa 50 Dhalinyaro ah oo Muqdisho loogu qabtay tababar ku saabsan horumarinta Afka hooyo

Date:

Akadeemiyad Goboleedka Af- Soomaaliga ee “AGA” ayaa tababar ku saabsan habeynta Afka Soomaaliga iyo Suugaantiisaba u qabatay 50 dhalinyaro ah oo daneeyneysa Akhriska iyo qoraaka Afkeena hooyo.

Guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Hilin iyo Hayaan C/qaadir Cabdi “Jubba” ayaa uga mahadceliyay Akadeemiyada AGA tababarka ay u qabatay dhalinyarada ka tirsan naadigaasi, wuxuuna kula dardaarmay dhallinyaradaasi in ay ka faa’iideystaan casharrada ay ka qaadanayaan aqoon isweydaarsigan.

Qaar ka mid ah dhallinyaradi loo qabtay tababarkaasi ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin aqoon isweydaarsigan ku saabsan habeynta qoraalka iyo akhriska afka Soomaaliga, iyagoo codsaday in la joogteeyo tababarrada noocan oo kale ah.

Guddoomiyaa Akadeemiyada AGA Prof. Maxamed Daahir Afrax oo tababarkaasi furay ayaa sheegay in Akadeemiyadu ay dhiirigelineyso cid kasta oo daneyneysa horumarinta Af Soomaaliga, isagoo ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed iney u soo jeestaan sare u qaadidda Akhriska iyo qoraalka Afkeena.

Tababarkan oo loo qabtay 50 dhalinyaro ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa la xiriira habeynta qoraalka iyo ku hadalka afka Soomaaliga iyo suugaantiisa, waxeyna arrintani ay qeyb ka tahay qorshayaasha Akadeemiyad goboleedka Afka Soomaaliga ay ku horumarineyso Afkeena hooyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...