eedaysanayaal loo haystay Qaraxii Soobe oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida xukuno kala duwan ku riday

Date:

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedaysanayaal loo haystay Qaraxii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa eedaysanayaasha ku kala xukuntay Toogasho,xabsi daa,in kuwo kale oo amar ay ku bixisay in xuriyadooda dib loo siiyo maadaama lagu waayay dambiyadii loo haystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka, waxaana eedeysanayaasha lagu kala xukumay:-

1- Xasan Aadan Isaaq Cali waxay maxkamaddu ku xukuntay Dil Toogasho .

2- C/laahi Ibraahin Xasan Absuge (Maqane) waxay maxkamaddu ku xukuntay Xabsi Daa,in.

3- C/wali Axmed Diiriye waxay maxkamaddu ku xukuntay 3(sedax) sano xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu amraysaa in xabsiga laga siidaayo eedeysanayaal:

1- Muqtaar Max’ud Xasan Rooble .

2- Cabdul Cabdi Warsame Cali

Hore ayeey Maxkamadda u dhageystay ilaa 2-jeer kiiskan oo saacada badan qaatay, waxaana ugu dambeyn maanta lagu dhawaaqay go’aanka Maxkamadda iyadoo Maxkamadda fursad kale hor dhigtay eedeysanayaasha oo ay rafcaan ku qaadan karaaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo fashiliyay weerar Khawaarijta kusoo qadeen Wargaadhi.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness to...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday.

1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u jeedisay...

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...