wasaaradda Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaadatey Bulshada reer Jowhar ee Gobalka Shabellada Dhexe

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Dib-ueegista Dastuurka ee Baarlaamaanka Federaalka Senator Cabdiqaybdiid iyo Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxabaanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Avv Maxamed Cabadalla ayaa waxay kulan wadatashi ah la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo dardar galin lahaa Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka dalka, iyadoo shacabka ay dhiibanayaan aragtidooda ku aadan sida loo heli karo dastuur ay guud ahaan isku waafaqsan yihiin ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka kala socday Guddiga La-socodka Dib-ueegista Dastuurka ee Baarlaamaanka Federaalka iyo Guddiga Madaxabaanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar, iyagoona xalay kulamo la qaatay Ku-simaha Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Guudlaawe iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa sheegay in safaradani wadajirka ah ee wadatashiga ah ay sii socon doonaan lana gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka, iyagoo horey u soo maray qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...